MD Xaaf oo gaaray Garoowe

Read Time:30 Second

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland.

Madaxweynaha ayaa ka mid noqonaya Madaxda kale ee dhiggiisa oo Shalay gaaray Magaalada Garoowe.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa hada ku sugan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama halkaasi oo ka furmayo Shir looga wada tashanayo aayaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa sidoo kale la doonayaa in lagu afjaro khilaaf la sheegay in uu ka dhexjiro Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulada.

Madaxweynaha Puntaland ayaa kaalin muuqata ka qaadanaya sidii la isugu soo dhaweyn la haa labada dhinac, waxaana uu Garoowe ku martiqaaday Madaxda Dalka.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.