Mareeg Media
Somalia

MD Waare oo ka walaacsan Amniga Hirshabelle

15

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si kulul waxa uu uga hadlay Caqabadaha Hirshabelle Ka heysta Dhinacyada ammaanka iyo Horumarka.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Waare in dowladda Federaalka ay u gudbiyeen dhowr istiraatiijiyad oo amniga wax looga qabanayo,isla markaana ay rajo ka qabaan in jawaab uga timaado dowladda.

Waxa uu su’aal iska weeydiiyey dowladda oo heysata ciidamo aad u farabadan,balse weli ay sugi la’dahay amaanka dalka sigaar ah deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle.

“Maalin dhaweyd waxaad tv-yada ka arkeyseen ciidamo farabadan oo gadooday hubka banaanka ay ciidamadaas oo dhigeen qofkii arkay wuu arkaye,hadiiba aan intaasi heysano maxaa amniga loo sugi la’yahay waxbaa naga haleysane aan saxno ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Sababaha ugu weyn ee dhinaca Amniga ayuu ku sheegay inay jirto qorsho la’aan iyo talo la’aan,waxaana uu dowladda Federaalka ka dalbaday inay wadatashi geliso sugida amniga.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!