Mareeg Media
Somalia

MD Farmaajo oo u duulay Dalka Sacuudiga

144

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow waxa ay ka dhoofeen Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ku jiraan Xubno Wasiiro ah ayaa waxaa ay ku wajahan yihiin dalka sacuudi Carabiya,waxaana Garoonka kasii saagootiyey Xildhibaano iyo Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin safarka Madaxweyne Farmaajo uu ugu ambabaxay Wadanka Sacuudiga,kaas oo ah mid aan horay loo sii shaacin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii lagu doortay Magalada muqdisho 8/2/2017 ayaa safarkiisii ugu horeeyey waxa uu ku tegay dowladda  Sacuudiga, iyada oo balan qaad ay u sameysay wallow aysan fulin kadib markii dowladda Soomaliya ay dhex dhexaad ka noqotay xulufada Sacuudiga ee xiriirka u jaray dowladda Qatar.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!