MD Farmaajo oo shir Deg-deg ah isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

MD Farmaajo oo shir Deg-deg ah isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa ka furmaya 15-ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa dhawaan shir maalmo socda ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb, hayeeshee waa fashilmay, iyadoona la isku mari waayay.

Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo shalay uu dhammaaday muddo xileedka dastuuriga ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qabashada shirka Madaxweynaha cadaadis ku saartay Beesha Caalamka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.