Mareeg Media
Somalia

MD Farmaajo oo kulan uga qeyb galay Magalada Makkah

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa ka qeyb galay shir deg deg ah oo ay yeesheen dalalka Jaamacadda Carabta.

Kulanka oo  ka qabsoomay Magaalada Barakeysan ee Makkah ayaa waxaa Boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis uu isugu yeeray dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta.

Kulankaas ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka xilligaan ka jira dadlka Carbeed qaarkood iyo sida looga gudbi karo,waxaaana ay ku balameen in la kordhiyo kulamada noocaan oo kale ah.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxa Golaha Milatariga Kumeel Gaarka ah ee Suudaan Sarreeye Guud Cabdulfataax al-Burhan iyo Ra’iisul Wasaaraha Qadar Sheekh Cabdullaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al Thani.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!