MD Farmaajo oo ku wajahan Garoowe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

MD Farmaajo oo ku wajahan Garoowe

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku wajahan magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shir u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada oo maanta ka furmaya magaaladaasi.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo ka qeyb galaya shirkani ayaa haatan ku sugan magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Arrimaha laga wada hadlayo waxaa ka mid ah khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada dalka, amniga, doorashooyinka iyo qodobo kale.

Shirka waxaa marti galinaya Madaxweynaha Puntland Madane Siciid Cabdulahi Deni, kaas oo xalay kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!