Mareeg Media
Somalia

MD Farmaajo oo ka hadlay howlgallada lagu baacsanayo Al Shabaab

246

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Xoogaga Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta salaaddii Jimcaha keddib ka hadlay Masjidka Shuhadada ee Villa Somalia ayaa soo dhaweeyay howlgallada ka socda Gobolka Sh.Hoose.

Waxaa uu ku dhiirageliyay Ciidanka Xooga in ay sii wadaan dadaallada lagu wiiqayo Xoogaga Al Shabaab.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in guud ahaan lasoo Afjaro dagaalyahanada Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in Al-Shabaab aysan marna la dagaalami doonin dowladdaha ka dambeeya, islamarkaana Muddo xileedka u dhiman lagu soo Afjari doono.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaaggaan Ciidanka inta ay socdaan howlgallada ka dhanka ah dagaalyahanada in ay socdaan.

Hadalka Madaxweynaha ayaa waxuu imaanayaa kadib markii Xalay Qarax ay mas’uuliyadiisu sheegteen Al Shabaab uu ka dhacay maqaaxi ku taalla dhabarka dambe ee Xerada Ciidamada Booliska ee Janaraal Kaahiye. ee Magaalada Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!