Mareeg Media
Somalia

MD Farmaajo oo gaaray Dalka Eritrea

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta booqasho aan horay loo sii shaacin waxa ay ku tegeem Magalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea.

Madaxweynaha ayaa maalmahaan ku sugnaa Magalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu kaga qeyb galay Shir Madaxeed looga hadlayey Xaalaadda Dalka Suudaan, hayeeshee booqasho kedis ah uu ku tegay Eritrea,waxana dalkaasi kusoo dhaweeyey Madaxweyne Isias Afewerki.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo oo ay wehlinayaan Xubno uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa ay kulan gaar ah la qaateen Madaxweynaha dalkaas Isias Afewerki.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tira ka dhowr jeer tegay Magalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea,, iyada oo uu goobjoog ka ahaa heshiis saddex geesood ahaa oo ay wada yeesheen dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!