Mareeg Media
Somalia

MD Farmaajo oo fariin u diray Booliska (AKHRISO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay kormeer ku tagay Xarunta Xarunta Taliska Booliiska Soomaaliyeed, isaga oo kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha ciidanka Booliska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeeray qeybaha kala duwan oo uu ka kooban yahay taliska,waxaana uu saraakiisha  kala hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxaysa Booliiska iyo shacabka si loo xaqiijiyo Amniga Caasimadda.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday Saraakiisha ciidanka booliska inay kordhiyaan howlgallada amniga lagu xaqiijinayo.

Taliya Zakiya ayaa sidoo kale sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu uga digay Saraakiisha Booliska in lagu xadgudbo Shacabka,sidoo kalena lagu kaco musuq maasuq waa sida ay hadalka u dhigtay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay Xarunta Taliska Booliiska ayaa kala hadlay saraakiishii uu la kulmay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxaysa Booliiska iyo shacabka.

Posted by Villa Somalia on Monday, April 15, 2019

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!