Mareeg Media
Somalia

MD Axmed Madoobe oo si lama filaan uga hadlay Weerarkii Al Shabaab

11

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa cambaareeyay Weerarka xalay Al-Shabaab ka gaysteen Magaalada Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen  dad aan waxba galabsan.

Madaxweynahu wuxuu Allah uga rajeeyay in naxariistii jano uu ka waraabiyo dadka goobta ku dhintay kuwa dhaawacmayna uu caafimaad taam ah siiyo.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan wakhtigan adag oo ay garab istaagan dadka uu dhibku gaaray oo ay la qaybsadaan xaalada ay ku sugan yihiin isagoo sheegay in Al-Shabaab isku duubni iyo wadajir lagaga adkaan karo.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!