Mareeg Media
Somalia

Maxuu salka ku Hayaa khilaafka U dhaxeey DF Iyo Dowlad Goboleedyada.

Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay federal tahay sanadkii 2004 tii dowladii lagu soo dhisay Embegati, waxay na ahayd wax ku cusub dhamaan gayiga soomaalida, wax faham ahna kama haysan waxa uu yahay federal iyo qaabka ugu haboon ee uu soomaaliya uga hanaqaadi karo isagoo an dhaawac  u geysan midnimada iyo qaranimada soomaaliyeed.

Hadaba labo iyo toban sano kadib oo soomaaliya federal ahayd wali madaxda iyo dadka soomaaliyeed way ku jahwareer san yihiin  waxa uu federal yahay iyo qaabka uu u shaqeeyo taasina waa mida dhalisay qodobka qormadeenu ku saabsan tahay ee kala dambayn la’aanta iyo tartanka u dhexeeya dowlada Federaaliga iyo dowlad goboleedyada, in la fahmo mabaadi’da Federaaliga iyo qaabka uu u shaqeeyo waxa inakaga filan inaga oo dastuurka u laabana kuna dhaqana waxa ku qoran.
MAXAA SABABAY LOOLANKA?
In dowlada dhexe looga damayn waayo awoodihii u gaarka ahaa dowlad goboleed walbana isu arko mid madax banan oo wuxu rabo samaysan kara ciduu rabana heshiis la geli kara waxa keenay qodobada hoos ku xusan

1:- Dastuurki dalka oo noqday mid an lagu dhaqmin: Qodobka 51 aad faqrada afraad ee dastuurka Federaaliga soomaaliya  wuxu lee yahay “Dhammaan heerarka Xukuumadda waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey” hadaba markaan baaritaan dheer sameeyey waxa iisoo baxday in dowlada Federaaliga iyo kuwa dowlad goboleedyada ba midna aanu ixtiraamin dastuurka ee mid walba isa siiyay awood ka baxsan tii dastuurku siiyay,. Tusaala ahaan:-

A)   Qodobada dastuuriga ah ee dowlad goboleed yadu ku xad gudbeen:-

Qodobka 54 aad ee dastuurka dalka waxa uu u qeexayaa “Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo: A) Arrimaha Dibadda;B) Difaaca Qaranka; C)Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo D) Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso Xukuumadda Federaalka.

Afartaas awoodood ee dastuurku sida gaarka ah u siiyay dowlada Federaaliga sadex kamid ah waxa si cad ugu tuntay dowlad goboleedyada oo si isdaba joog ah an u aragno inay awoodahaas isa siiyaan taasina waxay noqonaysaa inay jabiyeen dastuurki dalka u yaalay waxana ka mid ah awoodaha ay sida sharci darradaha u isticmaalaan  dowlad goboleed yadu:

Arrimaha dibadda

Galida heshiisyo caalami ah iyo ka qayb galida shirar an dowlada dhexe lala socod siin waa dabeecad joogto u noqotay dowlad goboleedyada qaar kamid ah, iyadoo dastuurku wixi quseeya  arrimaha dibadda u xilsaaray dowlada Federaaliga in laga tilaabsado oo dowlad goboleedku isku dhereriyo dowlada Federaaliga ah isuna arko inu xaq u leeyahay shaqadas inuu qabto waa midka kamida fahan la’aanta soomaalida ka haysata waxa uu federalku yahay.

Difaaca Qaranka

Dowlad  goboleedyada qaar ciidan ahaan waxay isu arkaan inay ka madax banana yihiin dowlada Federaaliga, mana saamayso hadi dowlada dhexe soo saarto amaro ku aadan ciidamada taliyayaasha ciidamadooduna waxay toos uga amar qaataan madaxweynaha dowlad goboleedka, dowladad goboleed yada qaar waxay leeyihiin nooc kasta ee ciidan dal lahaa sida police, nabad sugid, asluub, milatari/daraawiish iyo ciidanka badda intaaso dhami waxay ka shaqeeyaan danta dowlad goboleedka ee kama shaqeeyaan difaac qaran oo loo dhan yahay, ciidamadaasi waxa xaq u leh inay ka amar qaataan dowladda Federaaliga oo awoodaas dastuurku siiyay laakiin si sharci darro ah ay dowlad goboleedyada qaar ku qaateen.

III. Siyaasada Lacagta.
Soomaaliya ma leh bank dhexe oo lacagta kantaroola, waana shaqo loo ga fadhiyo in dowlada federalku qabato, booskaas banaana wax aka faa’idaystay dowlad  goboleedyada qaar oo daabaca lacagta laga isticmaalo deegaanadooda qaarna waxay ba samaysteen lacag u gaar ah laakiin daabacaada iyo kantaroolka lacagta waa awood gaar ah oo dastuurku siiyay dowlada Federaaliga ah ayna tahay in looga danbeeyo.
Qodobada kale ee dastuuriga ah oo dowlad goboleedyadu ku xad gudbeen waxa kamid ah
Qodobka 50 aad faqrada kowaad qaybta e) waxay u qoran tahay sidaan “Khayraadka dalka oo si caddaalad ah loo qaybsado” sido kale isla qodobkaas qaybta F) waxay u qorantahay sidan “Dakhli-ururinta oo loo xilsaaro hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-ku-oolsan u fulin
Karta”  Qodobkaas wuxu qeexayaa in dakhli uruurinta iyo qaybinta kheyraadka dalka ay mas’uuliyadeeda leedahay dowladda Federaaliga laakiin hada gabi ahaan ba majiro maamul goboleed dakhli ku dara sanduuqa bankiga dhexe dowlad goboleed walbana wuxu isa siiyay awoodas oo ah mid an dastuurku siin.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!