
Muqdisho ( Mareeg News ) Gudoomiyihii Hore Gobalka banaadir ahaana duqii caasimada Gen Mungaab ayaa ka hadlay go’aanka madaxweeyne farmaajo uu xilka kaga qaadyay gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka.
Gen mungaab oo ah sharci yaqaan shahdooyin ka heeysta cilmiga sharciga sidoo kala kasoo shaqeeyay laanta garsoorka ayaa tilmaamay in ay sharci tahay xilkaqaadista gudoomiyaha maxkamada sare, Madaxweynaha uu xaq u leeyahay.
Gen mungaab ayaa bartiisa Twitterka ku qoray ” Madaxweeynaha xaq ayuu u leeyahay inuu xil kaqaadis ku Sameeyo Gudoomiyaha maxkamada sare maadama uuna jirin golaha adeega garsoorka madaxweynaha ayaa leh Awooda xilkaqaadista gudoomiyaha Maxkamada sare”
Gudoomiyaha xilka laga qaaday Garyaqaan Ibraahim iidle suleeymaan ayaa saakay warbaahinta u sheegay in aan sifa sharci ah loo marin Xil kaqaadistiisa, Hadalka gen mungaab ayaa u muuqda mid cadeeynaya sharciyada madxweynaha uu u heeysto arinkan.