Maxuu Farmaajo u qalqal Gelinaya Qaranimada Somalia ?

Qorshe Itoobiya wadatay 2016 kii balse uu ka diiday Madaxweynihii xilligaas Xasan Sheekh Maxamud ayaa waxaa muuqata inuu xilligan aqbalay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Itoobiya ayaa  markii ugu horeysay qabatay hoggaanka ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo uu u hirgelayo qorshe ay in muddo ah wadatay.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhowaan ka howlgalaya labada gobol ee Shabeelooyinka iyo Gobolka Banaadir oo la keenayo ciidamo ka badan 1000 askari, waxaana banneynaya ciidamada dalalka Uganda sida uu dhigayo is afgarad dhex maray dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Arrintan oo ka danbeysay socdaalkii uu Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tegay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa salka ku haya dagaal lagu qaadayo Alshabaab oo la doonayo in looga sifeeyo wejiga hore labada Shabeelle.

Itoobiya ayaa taliye u soo magacaabeysa AMISOM iyadoo sanadkii 2016 shuruudo ku xirtay markii la filayay in taliye ka socday ay kala wareegto taliska AMISOM, waxaana muddo 9 bilood ah AMISOM ay ahay taliye la’aan. Shuruudaha Itoobiya ayaa waxaa ka mid ahaa in ciidamo ka socda ay tagaan Muqdisho iyo in saraakiisha AMISOM uu shaqada ka ceyrin karo taliyaha ka socda Itoobiya.

Qorshihii Itoobiya sanado ka hor u socon waayay markii ay ka hor yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa hadda waxaa aqbalay Farmaajo oo danihiisa gaarka ah ee xukun jaceylka eegaya.

Is-afgarad dhex maray madaxda Itoobiya, Somalia iyo Ertirea ayaa la sheegay inay ka mid tahay ciidamo ka socda Itoobiya iyo Ertirea inay yimaadaan Muqdisho iyo gobollada ku xeeran, iyadoo qorshhaasi aanu weli soo shaac bixin, marka laga reebo warbixinno laga qoray.

Ciidamada Itoobiya ayaa Magaalada Muqdisho xasuuq ba’an ka geystay sanadihii 2006 ilaa iyo 2008, hase yeeshe markii dagaal lagala hor yimid ayaa heshiis ka dhacay dalka Jabuuti looga saaray Itoobiyankii joogay Xamar.

6