Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Go'aan Aan Caadi Aheyn Gaartay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Go’aan Aan Caadi Aheyn Gaartay

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa goordhow go’aan ka soo saartay doorashadii 2aad ee ku celiska ahayd ee bishii la soo dhaafay ka dhacday Dalka Kenya.

Maxkamadda ayaa xukmisay in Madaxweynaha hadda talada haya uu yahay Madaxweynaha Saxda ah ee Kenya hoggaamin doona shanta sanadood ee soo socota,waxaana ay laashay dacwaddii ay gudbiyeen mucaaridka ee ahayd in doorashadii labaad aysan ahayn mid sax ah.

Lix Garsoore oo ku sugnaa Maxkamadda ayaa ayiday doorashada, waxaana ay laaleen dacwad ka dhan ah dib u doorashada Mr Uhuru oo mucaaradka gudbiyeen Maxkamadda sare.

Indhaha dadka Kenyaanka ah waxaa ay maanta saarnaayeen Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Kenya, David Maraga,kaas oo 1dii September laalay natiijada doorashadii 8ddii August,waxaana  uu maanta mar kale go’aamiyay mustaqbalka Kenya oo uu u go’aamiyay Kenyatta.

Magaalada Nairobi iyo degaannada taageerayaasha Uhuru Kenyatta waxaa ka billowday dabaaldeg lagu soo dhaweynayo go’aanka Maxkamadda sare ee Dalka Kenya.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!