Maxkamadda sare ee ciidamada oo ayiday xukuno ay riday maxkamadda darajada 1-aad

Muqdisho: Mareeg.com: Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta mar kale xukun dil iyo xarig ku riday saddex eedeysane oo loo heystay iney dileen ama gacan ka geysteen dilka gabar ardayad ah 6-dii bishii April 2014, dilkaas oo ka dhacay xaafadda Coc-acola, degmada Yaakhshiid ee magaalada Muqdisho.

Saddexaan eedeysane oo maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamadu xukunno kala duwan ku riday, waxeyn racfaan u qaateen maxkamadda sare ee ciidamada, taasoo maanta qaarkood isla xukunkii ku celisay, qaarna xukunka kusii adkeysay.

Saddexda eedeysane oo loo heystay iney geysteen dilkii gabar ardayad aheyd oo la oran jiray Nafiso Cusmaan Salaad ayaa kala ahaa labo nin iyo haweeney, waxaana maxkamadda sare ee ciidamadu labada nin lagu xukumay dil toogasho ah, halka haweeneyda lagu xukumay 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Labada nin waxaa maxkamadda sare ee ciidamadu ku xukuntay dil toogasho ah, kaasoo horay maxkamadda darajada koowaad ku riday, halka haweeneyda oo maxkamadda darajada koowaad horay ugu xukuntay 10 sano la kordhiyey oo laga dhigay 15 sano.

Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur ayaa Maxkamadda ka hor aqriyay xukunka isugu jira dilka iyo Xabsi ciidan ee lagu riday saddexdaasi qof.

“Maxkamadda waxaa u caddaatay in Xasan Maxamuud Cali Salmaan iyo Shaafici Cabdi Xirsi Shaataa iyo Deeqo Diraac Geeddi ay yihiin dambiilayaal galay dambiga lagu soo oogay, waxayna Maxkamadda ku Xukuntay 1. Xasan Maxamuud Cali Salmaan iyo 2. Shaafici Cabdi Xirsi Shaataa waxay ku raacday Xukunkii Maxkamadda darajada koowaad ee ahaa dil toogasho, Maxkamaddu waxa ay baabi’isay xukunkii Maxkamadda Darajada Koowaad ay ku xukuntay Deeqo Diraac Geeddi ee ahaa 10- sano waxa ayna ka dhigtay 15 sano oo xabsi ciidan ah” ayu yiri Xasan Cali Nuur.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Maxamuud Tuur-yare oo goobjoog ka ahaa Xabsiga Dhexe ee Xamar oo xukunkan maanta uu ka dhacay ayaa waxaa uu ka hadlay marxaladaha uu soo maray Xukunkan.

“Qofka xaqbuu uleeyahay in haddii Maxkamadda darajada koowaad ay soo xukunto in Maxkamadda sare uu racfaan u soo qaato, haddii Maxkamadda sare ay u aragto wixii ay Maxkamadda darajada koowad ay xukuntay in uu sax yahay way ku raaceysaa, iyadoo dacwaddii dib u dhageysaneysa, dacwadaan dib baa loo dhageystay shalay, maantana waa lagu dhawaaqay, haddii loo arko in eedeysanuhu ama dhibanuhu dulmanyahayna waa laga qafiifinayaa ama waa laga qaadayaa Xukunka, sidaas waaye sida sharciga ah ee dowladdnimada ah” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidanka

Maxkamadda sare ee ciidamada ayaa horay dhowr jeer ugu hanjabatay ineysan baxsan doonin dad lagu helo Shabaabnimo, islamarkaana lasoo gaarsiiyo maxkamadda.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245