Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo muddo cusub u qabatay dhageysiga dacwada loo heysto C/raxmaan C/shakuur

Warqadan oo goor dhow ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ayaa lagu sheegay  in C/raxmaan aanu soo xaadirin fadhigii koowaad ee dhageysiga dacwada oo maanta aheyd, isla markaana uu wakaaladii qareennimo kala noqday qareenadii u doodayay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa dhageysiga dacwadda u muddeysay 3-da bisha Janaayo ee sanadka cusub 2018 oo ku beegan maalinta Arbacada, marka saacadu tahay 10-ka subaxnimo.

Halkan hoose ka akhriso warqada cusub

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245