Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Dhowr Qof Ku Ridday Xukuno Dil Ah

Read Time:1 Minute, 6 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno ku riday ilaa 7 ruux oo loo heystay eedeymo kala duwan, waxaana eedeysanayaasha qaar lagu xukumay dil toogasho ah.

Dadka la xukumay waxaa ka mid nin xaaskiisa hore dhaawacay, deetana dilay nin guursatay, kadib markii inta uu qol ugu soo galay gurigooda iyagoo hurda uu basiin ku bil bilay, dabadeedna dab qabadsiiyay.

Ninkan dilka lagu xukumay oo lagu magacaabo Cabdi Xuseen Abuukar ayaa dilay marxuum la oran jiray Maxamed Ibraahim Xaaji oo qabay xaas uu hoay u furay, waxaana dilkan uu ka dhacay dhowaan degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

Ninka kale ee dilka lagu xukumay ayaa lagu magacaabaao Cabdicasiis Isgow Xuseen, waxaana lgu eedeeyey inuu dilay haweeney lagu magacaabi jiray Khadiijo Sheekh Cali, waxaana maxkamada horteeda uu ka qirtay inuu dilay, maxkamaduna waxey ku xukuntay dil toogasho ah.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo ugu dambeyn riday xukunka ayaa sheegay in ilaa 7-eedeysane oo Maxkamada la horkeenay ay saddex ka mid ah ku riday dil toogasho ah markii ay qirteen, halka afarta kalena lagu riday xukun xabsi u dhaceysa 3-4 sano oo xarig ah.

Maxkamadda ayaa sii daysay 1 eedaysane oo wax caddayn ah lagu waayay, waxaana ay dib u dhigtay kiisaska 5-eedaysane oo aysan dhamaystirmin caddaymaha loo hayo dambiyaha lagu soo eedeeyay.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.