Mareeg.com: Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ganaax lacagaeed ah ku riday 4 wariye, halka ay dib u dhigtay xukunka wariye 5-aad.
Suxufiyiinta la horkeenay Maxkamadda waxaa ka mid ah Agaasimaha Radio Shabeelle A/maalik Yusuf Maxamuud oo lagu xukuma ganaax dhan $10,000 dollar (Toban kun dollar), kadib markii lagu helay inuu dayacay mas’uuliyadda ka saarneyd Idaacadiisa.
Sidoo kale, waxaa maxkamadda la horkeenay Maxamuud Maxamed Daahir (Carab) oo ahaa agaasimaha SKY FM oo la mataaneyssan Radio Shabeelle, waxaana lagu xukumay bixinta $2000 (Laba kun oo dollarka Mareykanka ah) , markii lagu eedeeyay inuu baahiyay warar been abuur ah.
Axmed Cabdi Xasan oo ka tirsanaa Radio Shabeelle iyo Maxamed Cabdi Cali oo ka tirsanaa Radio Risaala ayaa iyagana lagu xukumay bixinta min $500 dollar (Shan boqol oo dollar). Suxufiyiinta waxaa lagu eedeeyay inay baahiyeen warar xaqiiqda ka baxsan.
Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. Xaashi Cilmi Nuur oo xukunkaasi riday, ayaa waxa uu sheegay in Xabsiga Dhexe Xamar lagu sii hayn doono, ilaa inta ay lacagaha ka bixinayaan.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.