Maxkamadda CQS oo xukun Dil Toogasho ah ku Riday Askari dilay Mooto Bajaajle * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxkamadda CQS oo xukun Dil Toogasho ah ku Riday Askari dilay Mooto Bajaajle

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa xukun dil ah ku riday Askari ka tirsan Ciidanka dowladda kaasoo nin Mooto Bajaajle ah ku diley Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan  27-dii Bishii lasoo dhaafay.

Askari xukunka dil ah lagu riday ayaa lagu Magacabaa Maxamed Xuseen Siidow waxaa uu ka mid ahaa Ciidamada Booliska ee ku sugan gudaha Gobolka Hiiraan.

Askariga xukunka dilka ah lagu riday Marxuumka uu dilay ayaa lagu  Magacaabi jiray Yaasiin Cali Saneey.

Xasan Cali Nuur Shuute, Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo ku sugan Magaalada Baledweyne ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday Askari, waxaana uu sheegay in maxkamadda Ciidamada ay tilaabo ka qaadi doonto Cidwalba oo dhibaateysa Shacabka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sidoo kale sheegay in askariga xukunka lagu riday uu u furan yahay inuu qaato racfaan.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!