Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo laga furayo Gaalkacyo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo laga furayo Gaalkacyo

Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada kowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay ka fureyso magaalada Gaalkacyo Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ka madaxbanaan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Shuute ayaa sheegay in qaybta 54aad iyo qaybta 21aad ee xoogga dalka Soomaaliya kana hawlgala Puntland iyo Galmudug la gaarsiiyey qalab ciidan iyo gunnooyin, isla markaana ay heli doonaan dhamaan waxa ay u baahan yihiin.

Maxkamadda laga furayo Gaalkacyo ayuu sheegay Korneyl Shuute in ay qaadi doonto dhamaan denbiyada hubeysan oo lidiga ku ah amniga qaranka.

Magaalada Gaalkacyo waxaa laga hirgeliyey ciidan isku dhaf ah oo ilaaliya amniga magaalada.

Gaalkacyo waa magaalada keliya ee ay ka kala taliyaan laba maamul oo marar badan dagaalo dhex mareen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More