Baledweyne, Mareeg.com: Saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, gaar ahaan qeybta gobolka Hiiraan, sraakiil ka socota hay’addaha danbi-baarista dowladda Soomaaliya sida booliska iyo milateriga ayaa manta gaaray magaalada Baledweyne.
Saraakiisha tegay magaalada Beldweyne ayaa baaraya islamarkaana maxkamadeyn doona ciddii lagu tuhmo iney ku lug laheyd dil habeen hore magaalada Baledweyne loogu geystay sarkaal hore, kaasoo lagu magacaabi jiray Col. Xaashi Xuseen Diiriye.
Sarkaalkaas ayaa waxaa gurigiisa xoog ugu dhacay sida la sheegay askar ka tirsan milateriga Soomaaliya, waxaana is-rasaaseyn dhacday ku dhinta isaga, labo ilaalo u ahyed iyo mid ka mid ragii soo weerararay.
Mid ka mid ah saraakiisha maanat gaaray magaalada Baledweyne oo aan dooneyn in magaciisa la xigto ayaa u sheegay Mareeg.com in la baarayo dilkii Col. Xaashi, islamarkaana maxkamad lasoo taaagi doono cidkii falkaas gadaal galo.
Shalay ayaa waxaa magaalada Baledweyne ka dhacay debadbax rabshado watay oo ay sameeyeen dad ka xumaaday dilka Col. Xaashi, waxaana islamaanta Baledweyne gaaray saraakiisha maxkamadda ciidamada iyo dambi baarayaal la shaqeynaya.
Mareeg.com