Maxkamadda Ciidamada Oo Sarkaal Sare Xukuntay Kadib Markii Uu Sameeyey Amar Diido * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxkamadda Ciidamada Oo Sarkaal Sare Xukuntay Kadib Markii Uu Sameeyey Amar Diido

Muqdisho – (Mareeg.com): Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa labo sano oo xukun xabsi ciidan ah ku ridday sarkaal sare oo ka tirsan Milteriga Soomaaliya.

Afhayeenka maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaliya Gaashaanle C/laahi Muuse Keysi ayaa sheegay in maxkamada qalabka sida ay u fariisatay shalay oo aheyd 3/11/2013 dacwo ciqaabeedkii loo heystay eedeysane Gaashaanle Sare Maxamed Yuusuf Xuseen oo ku magac dheer “Kalafoge” oo ka tirsan ururka taliska guud ee ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

Sarkaalna ayaa xafiiska xeer ilaalintu ku soo eedeeyay inuu amar diido cad ku sameeyay madaxdi ka sareeysay, gacan qaadna u geystay Sareeye Guuto C/llaahi Xaaji Maxamed Ceynte oo ah madaxa hogaanka ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

“Maxkamadu markey aragtay eeddii uu soo gudbiyay xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee ku xusneyd Aayada 33-aad ee Suuratul Maa’idda iyo qodobka 186 xeerka ciqaabka ciidamada qalabka sida, maxkamadu markeey dhageysatay marqaatiyaalkii la horkeenay mid midna u maqashay marag furkooda waxaa u cadaatay in eedeeysane G/sare Maxamed Yuusuf Xuseen “Kalafoge” uu amar diiddo cad ku sameeyay S/guuto C/llaahi Xaaji Maxamed Ceynte maxkamaduna waxey ku xukuntay Labo Sano oo xabsi ciidan ah’’ ayuu yiri Gaashaanle C/laahi Muuse Keysi.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in maxkamadu ay sidoo kale ka xayuubisay darajadii uu sitay oo aheyd gaashaanle Sare, isagoo xusay in sharciga ciidamada qalabka sida uu yahay in la dhowro awaamiirta madaxda kala sareeysa, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ciidanku ay leeyihiin xeer Dishibiliin oo iyaga u gaar ah.

Maxkamada ciidamada ayaa ka digtay in askarigii ama sarkaalkii fulin waaya amarka madaxdiisa la horkeeni doono maxkamada si loo ilaaliyo nidaamka ciidanimo iyo kala dambeynta.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guda jirta habeynta ciidamada xooga dalka Soomaaliya, iyadoo xukunkaani yahay kii ugu horeeyey ee lagu riso sarkaal xilkaaan oo kale oo ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!