Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay nin lagu qabtay qori hoobiye ah

Muqdisho – Mareeg.com: Maxkamadda darada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday wiil la sheegay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, kaasoo dhawaan ciidamada amaanku kazoo qabteen degmada Deyniile.

Wiilkan oo magaciisa maxkamaddu ku sheegtay Nuur Cabdulle Cawaale ayaa maxkamaddu sheegtay in la soo qabtay isagoo heystay qoriga hoobiyaha nooca 82 iyo rasaasta laga rido oo saddex xabo ahayd.

Maxkamadda ciidamada ayaa dacwadda willkaan ku gashay degmada Deyniile, waxaana Col. Liibaan Yarow sheegay in wiilkaasi maxkamadda ka hor qirtay inuu hayey qoriga hoobiyaha ah.

Liibaan Yarow ayaa sidoo kale sheegay in maxkamadda ciidamadu la wareegtay qorigii hoobiyaha ahaa iyo xabadihii la socday.

Kaaliyaha Maamulka Gobolka Benaadir ee xagga Amniga, Maxamed Cabdiqaar oo siaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in qoriga hoobiyaha ee lagu qabtay wiilka la xukumay uu yahay qorigii habeenadii lasoo dhaafay lagu argagax geliyey shacabka ku nool Muqdisho.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, Col. C/raxmaan Maxamed Tuuryre oo goobta xukunku ka dhacay ka hadlay ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya qofkii la qabto ee Alshabaab ah lagu xukumi doono halka lagu qabtay.

“Maanta kadib waa dhamaatay adinkoo Shabaab argagixiso ah oo ay idinku cadaatay inaad fakataan, qodobkaas ku bishaareysta ama ka naxa, meeshii la idinku qabto ayaa leydink xukumayaa” ayuu yiri Col. C/raxmaan Tuuryare.

Qorigaan hoobiyaha ayaa sabtidii lasoo dhaafay lagu soo bandhigay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya, xilli uu halkaas booqanayey Raysulwasaare C/weli Sheekh Axmed.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245