Maxkamadda Ciidamada Gobolka Hiiraan oo 15 sano ku xukuntay gudoomiye ku xigeenkii Amniga Baledweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxkamadda Ciidamada Gobolka Hiiraan oo 15 sano ku xukuntay gudoomiye ku xigeenkii Amniga Baledweyne

Baledweyne – Mareeg.com: Maxkamadda ciidamada gobolka Hiiraan ayaa manta xukuno dil iyo xabsi dher isugu jira ku riday labo ruux oo mid ka mid ahaan jiray gudoomiye ku xigeenkii Amniga degmada Baledweyne.

Sida uu Mareeg Media u sheegay gudoomiyaha maxkamadda ciidamada gobolka Hiiraan, Xuseen Cabdi Axmed, maxkamadda ayaa 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Baledweyne C/llaahi Maxamed Cumar (Cadde), iyadoo lagu helay dembi ah inuu diiday in la badbaadiyo oo isbitaal loo qaado wiil uu xabad ku dhuftay mid ka mid ah ilaaladiisa gaark ah.

Sidoo kale, maxkamadda ciidamada gobolka Hiiraan ayaa xasaanadii ka qaaday gudoomiye ku xigeenkaas hore C/llaahi Maxamed Cumar (Cadde).

Dhanka kale, maxkamadda ciidamada ayaa dil toogasho ah ku xukuntay ninkii ilaalada u ahaa gudmooiye ku xigeenka ee toogtay wiilka dhallinyarada ah.

Waa markii ugu horreysay ee maxkamadda ciidamada gobolka Hiiraan dil toogasho rido, islamarkaana xukun ku rido siyaasi ka tirsan maamulka degmada Baledweyne.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!