Baledweyne, Mareeg.com: Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday 5 ruux oo lagu eedeeyey iney ka mid ahaayeen Alshabaab, islamarkaana falal amaan darro ka sameeyeen magaalada.
Maxkamadda ayaa maanta la horkeenay 5 dhallinyaro ah, waxaana la xukumay 2 ka mid ah, halka 3 kale lasii daayey.
Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan, Xuseen Cabdi Axmed ayaa ku dhawaaqay xukunka ay soo saartay maxkamddu, wuxuuna sheegay in labo ka mid ah eedeysanayaasha la xukumay, sadex kalana la sii daayey kadib markii lagu waayey wax cad.
Sida uu sheegay gudoomiyha maxkamadda, mid ka mid eedeysanayaasha ayaa lagu xukumay hal sano oo dhaqan celin ah oo ka bilaabata markii lasoo qabtay.
Eedeysane kale ayaa lagu xukumay ilaa 5 sano oo xarig ah, kaasoo gudoomiye Xuseen Cabdi sheegay inuu qirtay inuu ka tirsan yahay Alshabaab, islamarkaana maxkamadda lagu soo bandhigay qalab uu howlgal u diyaarsanayey.
3-da kale ee la sii daayey ayaa lagu amray in todobaad kasta labo jeer iska soo xaadiriyaan xarrunta ciidamada nabad sugidda ee Baledweyne, iyadoo dhaqdhaqaaqooda lala socon doono muddo 6 bilood ah.
“Shanta qof ee maanta Maxkamaddu dhageysatay eedeymahooda labo ka mid ah ayaa lagu helay dambigii lagu soo eedeeyay, mid waxaa lagu xukumay shan sano oo xarig ah kan labaadna waxaan ku Xakunay hal sano oo xrig ah, waxaana amarnay in la iska sii daayo sadaxda kale, laakiin iyaguna looga baahanyahay inay isbuuciiba labo jeer iska xaadiriyaan xarunta nabad sugida” ayuu yiri Xuseen Cabdi Axmed, gudoomiyaha maxkamadda ciidamada ee gobolka Hiiraan.
Waa xukunkii ugu horreeyey ee ay riddo maxkamadda ciidamada qalabaka sida, laanta gobolka Hiiraan oo dhawaan Baledweyne laga hirgeliyey.
Mareeg Media