Maxkamada Sare Ee Soomaaliland Oo Go’aan Ka Gaartay Doorashadii Ka Dhacday Deegaanada Maamulkaas

Read Time:36 Second

Maanta ayaa Maxkamada Sare ee Maamulka Soomaaliland waxa ay go’aan kama dambeys ah ka gaartay doorashadii 13 kii Bishaan ka dhacday deegaanada Maamulkaas oo uu ku geeystay Muuse Bixii Cabdi.

Shir Jaraa’id oo ay Maanta Warbaahinta ugu qabteen Madaxda Maxkamada Sare Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay ku aqbaleyn natiijadii ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka iyaga oo sheegay in aan wax dacwo ah loo soo gudbin.

Horay ayaa waxaa dhowr mar u jirtay in Xisbiga Mucaaradka ee WADANI oo uu u tartamayay Gudoomiyahooda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu sheegay in doorashada la musuq maasuqay wallow markii dambe uu aqbalay.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliland Aadan Xaaji Cali ayaa Warbaahinta u Akhriyay Warka ay ka soo saareen doorashadii ka dhacday Soomaaliland.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %