Daawo Maxkamada sare milateriga oo askar xukuntay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo Maxkamada sare milateriga oo askar xukuntay

Mareeg.com: Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil iyo xabsi ciidan ku riday askar ka tirsan ciidanka, kadib markii maanta la horgeeyey maxkamadda Sare ee ciidanka.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada ayaa burrisay xukun horay ay maxkamadda darajada ee milaterigu ugu riday labo askari, waxeyna ku ridday xukuno ka adag kuwii hore.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda Sare ee ciidama ayaa ayaa lagu yiri sidan:-

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida:-

Markay aragtay: Racfaanka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qabka sida ee lana xiriirta, 1. Dable Xoogga Cabdullaahi Foox foox oo maqane ah, 2. Xidigle xoogga Axmed Biyoole Xasan 35 jir ah, Ina Aamino Maxamed, ku dhashay Shabeelaha Dhexe,

Markay aragtay: Qodobka 434aad xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, qodobka 19aad xeerka Ciqaabta ciidamada iyo qodobka 306 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed,

Markay aragtay: Xukunka Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Nambarkiisu yahay, LR/MCQS719, 2015, taariikhdiisuna tahay 21.03.2015, kuna xakuntay xukunsanayaasha kala ah 1. Dable Xoogga Cabdullaahi Cali Foox Foox oo maqane ah 50 halaad oo geel ah, ahna diyadii Marxuumad Aamino Cabdullaahi Siyaad, 2. Xidigle Axmed Biyoole Xasan in xabsiga laga sii daayo., waxey soo saartay xukunkaan:

“Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida waxa ay baabi’isay xukunkii Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida horey ugu xakuntay dable Cabdullaahi Cali Foox foox oo maqane ah, waxayna Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ku xakuntay dil toogasho ah, ahna qisaastii Marxuumad Aamino Cabdullaahi Siyaad, 2. Xidigle xoogga Axmed Biyoole Xasan 35 jir ah, Ina Aamino Maxamed, ku dhashay Shabeelaha Dhexe, la soo xiray 27/12/2014, waxayna maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ku xakuntay 3 sano oo xabsi ciidan ah, oo ah fakintii uu fakiyay xukunsane Dable Xoogga Cabdulaahi Cali Foox foox”, sidaas waxaa yiri Gaashaanle sare Liibaan Cali Yarrow Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa sidoo kale Cabdulaahi Xasan Cadaan ku xakuntay dil toogasho ah oo ah qisaastii Marxuum Ex-dable Xoogga Rajab Cabdullaahi Maxamed oo uu horey u dilay, waxaana taliyaha Xabsiga dhexe la faray in xabsiga ku sii hayo xukunsanayaasha sare ku xusan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!