Maxkamada Sare Ee Ciidamada Oo Dil Toogasho Ah Ku Xukuntay Ninkii Dilay Wasiir Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxkamada Sare Ee Ciidamada Oo Dil Toogasho Ah Ku Xukuntay Ninkii Dilay Wasiir Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji

Ex-Dable Xooga Axmed C/laahi Ceydiid oo ahaa shaqsigii dilay Wasiirkii Holwlaha guud iyo guryeenta dowladda Soomaaliya  Cabaas maxamed Siraaji ayaa markale lagu xukumay dil toogasho ah kadib markii uu Maxkamadda Sare Racfaan ka qaatay.

Maxkamadda Sare ee racfaanka ayaa markale dib u dhageysatay dood ku aadan kiiskaasi waxaana ugu dambeyn markale lagu dhawaaqay in tiirka lasoo taagi doono Axmed C/laahi Ceydiid.

Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, G/sarre liibaan Cali Yarow ayaa sheegay kadib markii ay dhageesteen doodii ka dhalatay racfaanka uu qaatay ex-dable Xooga Axmed C/laahi Ceydiid ay tahay mid aan la aqbali karin waxaana uu xusay in lagu xukumay dil toogasho ah oo aan ka laabasho laheyn.

Allaha u naxariistee Wasiirkii Holwlaha guud iyo guryeenta dowladda Soomaaliya  Cabaas Maxamed Siraaji ayaa lagu dilay meel aan ka fogeen Aqalka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!