Maxkamada Ciidanka Oo Xukuntay Eedeysanayaal La Hor Geeyay maanta.

Read Time:1 Minute, 33 Second

Muqdisho ( mareeg News ) Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidanka Qalabka Sida ayaa dil ku xukuntay saddex ka mid ah raggii ka dambeeyay weerarkii dhamaadkii bishii October ee sanadkii hore Hotel Naasahablood 2, kaasoo mas’uuliyadeeda ay sheegatay Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuutey ayaa ku dhawaaqay xukunka.

Halkan hoose ka akhriso xukunka lagu riday eedeysanayaashan:-

Markey dhageysatay:- Maxkamada qiraalka eedaysanayaal

1: Farxaan Maxamed Samatar oo Magaciisa afgarashada ah loo yaqaan (Suheyb)

2: Cabdi naasir Dhaqane Xasan oo magaciisa afgarashada loo yaqaan (C/xamiid Qoslaaye) iyo 3: Abshir Maxamed Xaaji Buule oo magaciisa afgarashada loo yaqaan (yaxye) ay ka hor cadeeyeen Maxkamada horteeda in ay ka tirsan yihiin Kooxda Al shabaab isla markaana ay ka mid ahaayeen Koox weerar ku qaaday Hotel Naasa hablood Labo Taariikhda markey aheyd 28/10/2017, eedeysanayaasha waxay Maxkamada ka codsadeen in loo naxariisto.

Markey dhageysatay: Markhaatiyaasha la horkeenay Maxkamadda mid midna u weydiisay Marag furkooda waxay Maxkamadda ka hor sheegeen in ay ka mid ahaayeen ciidankii usoo gurmaday Hotel Naasa hablood Labo markii uu weerarka dhacay ka dibna sedexda eedaysane oo u adkeysan waayay dagaalka ay ciidanka amniga kula galeen gudaha Hotelka ay usoo baxeen banaanka iyagoo soo aaday dhanka ay maragu waardiyaha ka haayeen sidaasna ay ku dhex martay israsaaseyn sababtay dhaawaca mid ka mida Eedeysanayaasha halka labada kale ay ku carareen guri ka ag dhawaa goobta sidaasna ay kusoo qabteen sedexda eedeysane iyo hubkii ay ku dagaalamayeen oo isugu jiray AK47 iyo Bambooyin.

Sidaa darteed Maxkamadda waxaa u cadaatay in eedeysanayaal Farxaan Maxamed Samatar, Cabdi naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule ay wada yihiin dambiilayaal galay dambiyada lagu soo oogay.

Waxayna Maxkamadda ku xukuntay Dil Toogasho ah oo ah qisaasta dadkii ku geeriyooday weerarka ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood Labo

Cidii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamada waxaa u furan Racfaan.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %