Maxkamada ciidamada Soomaaliya oo dil toogasho ah ku xukuntay nin loo heystay dil askari * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxkamada ciidamada Soomaaliya oo dil toogasho ah ku xukuntay nin loo heystay dil askari

Muqdisho – Mareeg.com: Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa manta xukun dil ah ku riday nin lagu eedeeyey inuu dilay askari ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

Xukunka ninkaan ayaa ka dhacay xarunta xabsiga dhexe ee magaaladda Xamar, waxaana ninkaas lagu magacaabaa Maxamed Isaaq Cabdi Cumar, kaasoo lagu eedeeyey inuu dilay marxuum la oranjiray, Xuseen Cumar Hilowle kana tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Gaashaanle Liibaan Cali Yarrow oo ah guddoomiyaha Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay xukunka.

“Maxkamada ciidamada qalabka sida waxay u fariisatay dacwad ciqaabeed gacan ku dhiigle Maxamed Isaaq Cabdi Cumar oo 21-jir lagu soo eedeeyay inuu dilay Marxuum la oran jiray Ex G/dhexe Xuseen Cumar Hilowle “Mooja Mooja”, labo xabad bastoolad ku dhiftay taariikhda marke aheyd 27/10/2013” ayuu yiri Liibaan Cali Yarow oo xusay iney racfaan u furan yahay ninka xukunuku ku dhacay.

Gaashaanle Liibaan Yarow ayaa sheegay in eedeysanaha sidoo kale loo heystay inuu ka tirsanaa kooxo nabad diid ah sida uu yiri, inkastoo uusan magic xusin.

Qareenka eedeysanaha la xukumay oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay iney racfaan ka qaadanayaan xukunka ku dhacay ninka uu u doodayey.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.