Maxkamada ciidanka Soomaaliya oo toogatay 2 askari * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxkamada ciidanka Soomaaliya oo toogatay 2 askari

Mareeg.com: Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay labo ka mid ah askarta dowladda oo lagu eedeeyey iney horay u dileen dad shacab ah.

Fulinta dilka ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha Maxkamada sare ee ciidanka qalabka sida, Gaashanle Sare, Liibaan Cali Yarow iyo sidoo kale gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad Ee Ciidanka Gaashanle Dhexe, Xasan Cali Shuute.

Yarow iyo Shuute

Maxkamada ayaa sheegtay iney ku heshay Cabdi Raxmaan Ciise Axmed 20 jir ah kana tirsanaa ciidanka Xooga Dalka in uu si ula kac ah u dilay Marxuum lagu Magacaabi jiray Siciid Dhiblaaawe Siyaad 29 bishii 8-aad 2012.

Sidoo kale, maxkamadda ayaa sheegtay in Cabdulaahi Cali Cabdi Cigaal oo isna ka tirsanaa Ciidanka Xooga lagu Helay in uu  si ula kac ah u dilay Marxuumiinta kala ah Maxamuud Xuseen Cabdi Iyo Marxuumad Sahro Sheikh Cumar.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida, Gaashaanle Dhexe C/laahi Xuseen Maxamed  ayaa saxaafadda u aqriyay Xukunka iyo Qaabka uu u dhacay.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa horay askar iyo xubno Shabaab ah dilal ugu fulisay, laakiin fulinta dilkaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey sanadkan 2015.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!