Maxkamada Ciidamada Soomaaliya Oo Sheegtay In Talayihii Hore Ee Asluubtu Uu Gelayo Xabsi Daa’in

Read Time:1 Minute, 24 Second

Muqdisho – (Mareeg.com): Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa ka hadshay soo qabashada Ex- Jen. Cabdi Maxamed Ismaaciil oo ahaa taliyihii ciidamada Asluunta Soomaaliyeed oo habeen hore laga soo qabtay guri ku yaalla deegaanka Madiina ee magaalada Muqdisho, isagoo dhuumaaleysi ku jiray.

Cabdi Maxamed Ismaaciil ayaa horay uga baxsaday dowladda Soomaaliya kadib markii lagu bilaabay dabagal la xiriira inuu xiriir la yeeshay Alshabaab, islamarkaana uu sii daayey maxabiis Alshabaab ah oo u xirnaa dowladda Soomaaliya.

Bishii December ee sanadkii 2012 ayaa maxkamadda ciidamadu Ex Jen. Maxamed Cabdi Ismaacil ku riday xukun ah:
1- In laga saaray ciidamada dawlada Soomaaliya.
2– In laga xayuubiyey derejadii ciidanka uu ka hayey.
3– In laga mamnuucay qabashada wax xil ah ciidamada qalabka-sida.
4– In lagu xukumay xarig xabsi daa’in ah inta noloshiisa ka hartay.

Afhayeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida, Col. C/llaahi Max’ed Muuse (Kayse) ayaa sheegay in taliyahaas hore lagu qaadayo xukunkii hore ee ay maxkamaddu ku xukuntay isagoo maqan, kaasoo ahaa xabsi daa’in.

“Maxkamaddu waxay xukun madaxaa-ha-ku-furto ah ku ridday taliyihii hore ee ciidamada Asluubta oo dalka ka maqan, xukunkiisana kaas ayuu ahaan doonaa, haddii ay jiraan dambiyo kale oo soo kordhay, waxaa loogu dari doonaa kuwii hore,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Kayse.

Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Cabdi Maxamed Ismaaciil ayaa dhowr bilood ka hor dalka ka baxsaday kaddib markii lagu eedeeyay inuu xabsiga kasii daayay xubno ka tirsan Al-shabaab oo qaarkood ay dilal ku xukunnaayeen.

Taliyaha hogaanka dambi baarista Soomaaliya ee CID Jen. Saciid Axmed Kediye ayaa shalay warbaahinta u sheegay in Maxamed cabdi Ismaaciil lasoo qabaty kadib markii Muqdisho soo gaary 6 maalmood ka hor.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %