Maxkamada ciidamada Puntland oo 8 qof ku riday xukuno dil & xabsi

Read Time:55 Second

Mareeg.com: Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridey 8 nin oo dhallinyaro ah, kuwaasoo lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Afar kamid ah sideedaas qof waxaa lagu xukumey dil toogasho ah iyadoo afarta kalena lagu ridey xukuna isuga jira xabsi daa’im iyo xabsi ciidan oo mudadiisu tahay inta u dhexeysa toban ilaa shan iyo toban sano.

Eedaysaneyaasha dilka lagu xukumey ayaa kala ah:

1.Maxamed Cabdi Axmed Olol, 23jir ah, ku dhashay Buuhoodle.
2.Xaajow Shiikh Nuur Cumar, 21 jir ah, ku dhashay Mareerey.
3.Ismaaciil Cabdulqaadir Jimcaale Cali (Rabiile), 20 jir ah.
4.Xasan Xuseen Cabdi, 23 jir ah.

Eedaysaneyaasha xabsi daa’imka lagu xukumey:

1.Aadan Maxamed Yuusuf, 23 jir ah.
2.Cabdixakiim Maxamed Ciise, 24jir ah, ku dhashay Burco.

Edeysaneyaasha xabsiga ciidan lagu xukumey:

1.Cabdirasaaq Shariif Cumar, 17jir ah, ku dhashay Jamaame.
2.Maxamed Cabdulaahi Axmed, 18jir ah ku dhashay Muqdisho.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey xukuno kala duwan ku riddey tobanaan qof oo badankoodu ku eedaysnaayeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.