Maxkamada Ciidamada Oo Toogasho Ku Xukuntay Askari Sarkaal Ku Dilay Shabeellaha Dhexe

Muqdisho, Mareeg.com: Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo horay u dilay sarkaal ciidamada ka tirsanaa.

Askariga dilka lagu xukumay oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Xasan Cadow ayaa lagu eedeeyey inuu dil u geystey taliyihii hore guutada 1-aad ee Gobolka Shabeelada Dhexe, labo xidigle Ismaciil Axmed Cali oo loo yaqaano “Laanbey”

Afhayeenka Maxkamada ciidamada qalabka sida Kornayl Cabdulaahi Maxamed Muuse Keyse ayaa warbaahinta u sheegay in eedeysane xidigle Cabdiraxmaan Xasan Cadow uu horey u qirtey dambiga dilka ah ee lagu eedeeyay.

“Xukun Maxkamadeed maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida maanta oo ay taarikhdu tahay 13.11.2013 waxa ay u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo haystay eedeysane xidigle C/raxmaan Xasan Caddow, Ina Faadumo Juumoow 35 jir ah, ku dhashay Banaadir, degan Jowhar kana tirsan taliska ciidamada guutada 1-aad ee gobolka Shabeelada Dhexe” ayuu yiri Afhayeenka Maxkamada ciidamada qalabka sida Kornayl Cabdulaahi Maxamed Muuse Keyse.

“Eedeysanaha waxaa xafiiska xeer ilaalinta maxkamada ciidamada qalabka sida uu kusoo eedeeyay in uu geystay dil bareer ah taarkiikhdu markii ay ahayd 18.10.2013 , dilkaasi oo ka dhacay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelada Dhexe, Allaha u naxariistee dilkaasi waxa uu u geystay labo xidigle Ismaciil Axmed Cali oo loo yaqaano “Laanbey”, dood dheer kadib Maxkamaddu markii ay aragtay eeddii uu soo gudbiyay xafiiska xeer ilaalinta ee ku xusneyd Aayada 178-aad ee Suuratul Baqara iyo Aayadaha 33-aad 45-aad ee Suuratul Maa’idda iyo qodobka 434 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo qodobka 19-aad xeerka ciqaabta ciidanka qalabka sida, markii ay Maxkamaddu dhageystay qiraalkii eedeysanaha uu ka bixiyay Maxkamadda horteeda, maxkamaddu markii ay dhageystay dooddii marqaatiyaashii la horkeenay maxkamada mid midna ay u weydiisay marag furkooda, maxkamadda waxaa u caddaatay in Eedeysane gacan ku dhiigle C/raxmaan Xasan Caddow uu yahay dambiile galay dambigii lagu soo oogay, waxaana ay Makamaddu ku xakuntay dil toogasho ah.” ayuu sidoo kale yiri Kornayl Keyse.

Garsooraha xukunka riday ayaa sheegay in 1 xidigle C/raxmaan Xasan Caddow uu haysto 30 cisho oo uu racfaan kaga qaadan karo kiiska lagu helay ee dilka lagula xukumay.

Mareeg.com