Maxkamada ciidamada oo Muqdisho ku toogatay labo lagu eedeeyey dilka wariye & askari * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxkamada ciidamada oo Muqdisho ku toogatay labo lagu eedeeyey dilka wariye & askari

Mareeg.com: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay 2 nin oo maxkamaddu sheegtay in lagu helay dilkii loo geystay wariye Maxamed Maxamuud Timo-cadde oo ka tirsanaa TV Universal, laguna dilay Muqdisho bishii October ee sanadkii 2013.

Fulinta xukunkaan dilka ayaa aroornimadii hore ee saaka a dhacday fagaaraha Dugsiga Sare ee Tababarka Booliska Soomaaliyaa ee Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in labada nin lagu helay iney horey u dileen wariye Maxamed Maxamuud Timo-cadde iyo Cawil Xasan oo ka mid ahaa ciidanka Nabadsugidda Soomaaliya.

Cali Bashiir Cusmaan oo da’diisa lagu sheegay 22 jir lagana soo qabtay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir iyo C/llaahi Shariif Cusmaan 25 jir, lagana soo qabtay degmada Dharkaynleey ayaa saaka lagu fuliyay xukunka dilka ah oo ay ku ridday maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Goobta uu ka dhacay dilka ayaa waxaa ku sugnaa saaraakiisha maxamadda ciidamada iyo qaar ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaasoo sheegay in labada nin ee la toogtay ka tirsanaayeen Alshabaab.

Waa dilkii labaad ee lagu fuliyo dad lagu eedeeyey iney dileen wariye, iyadoo bishii August 2013 Muqdisho loogu toogtay nin lagu eedeeyey inuu bishii September 2012 dilay wariye Xasan Yuusuf Absuge oo ka tirsanaa Radio Maanta ee magaalada Mqudisho.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!