Maxkamad Kenyan Ah Oo Diiday In Damiin Lagu Sii Daayo Afar Soomaali Ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxkamad Kenyan Ah Oo Diiday In Damiin Lagu Sii Daayo Afar Soomaali Ah

Muqdisho, Mareeg.com: Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa diiday in damaanad lagu sii daayo 4 dhallinyaro Soomaali ah, kuwaasoo loo heysto inay ku lug lahaayeen weerarkii bishii September lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi.

Magacyada dhallinyarada maxkamaddu diiday in damiin lagu sii daayo ayaa lagu kala sheegay: 1: Maxamed Axmed Cabdi, 2: Liibaan C/laahi, 3: Xusseen Xassan, 4: Cadnaan Ibraahim.

Maxkamada ayaa sheegtay in go’aankeeda ay ku salaysay baqdin dhinaca ammaanka ah amaba in faragalin lagu sameeyo kiiska hadii damaanad lagu sii daayo wiilashan.

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyey dhallinyaradan inay si toos ah ugu xirnaayeen kooxihii fuliyay weerarkii Westgate oo ururka Alshabaab ay sheegteen masuuliyadiisa, islamarkaana lagu dila ilaa 67 ruux.

Qoysaska ay ka dhasheen wiilashan ayaa sheegay inaysan jirin wax lug ah oo ay ku lahaayeen weerarkaas, balse lagu soo qabqabtay hawlgallo aan si aan kala sooc lahayn loogu taxaabay xabsiyada boqollaal Soomaali ah oo ku noolaa Nairobi.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!