Maxkamad diiday in la xiro Xerada Dhadhaab

Read Time:54 Second

Maxkamadda ugu sarreysa Dalka Kenya ayaa diidday qorshe ay wadday Dowladda Kenya oo la xiriira in la xiro Xerada ugu weyn Adduunka ee ay Qaxooti ku noolyihiin oo ah Dhadhaab.

Maxkamadda oo kiiskan dhegeysatay ayaa sheegtay in Dad ka badan 200,000 qof ay ku noolyihiin Xeradaas Soomaaliyana aysan ahayn meel lagu celin karo.

John Mativo,oo ah Garsooraha bixiyay amarka ka dhanka ah go’aanka dowladda ayaa sheegay in Wasiirka amniga gudaha Kenya oo sameeyay ku tagrifal awoodeed kaddib markii uu amray in xeradaas la xiro.

Garsooraha ayaa ku dooday in amarka Wasiirka amniga gudaha Kenya aan lagala tashan dadka uu quseeyo sida dadka ku nool Dhadhaab iyo hay’adaha sharciga dalka Kenya.

Mativo, ayaa sidoo kale amarka Wasiirka ee lagu xirayay Xerada Dhadhaab ku tilmaamay mid takoor ah oo ka hor imanaya xeerarka Caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha waxaana uu ka soo qaaday waxba kama jiraan.

Dowladda Kenya ayaa ku doodday in Xerada Dhadhaab ay noqotay meel ay AL-shabaab ka abaabulaan weerarrada ka dhanka ah dadka Kenyaanka ah sidaas darteedna loo baahanyahay in Xeradaas guud ahaan Albaabada loo laabo.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.