
Mareeg.com: Maxkamad ku taalla dalka Israel ayaa 8 bilood oo xabsi ku xukuntay R/wasaarihii hore ee dalkaas, Ehud Olmert, waxaana lagu eedeeyey khiyaano qaran iyo musuqmaasuq.
Maxkamadda ayaa sheegtay iney Ehud Olmert ku heshay inuu $150,000 (Boqol iyo kunton kun dollar) ka qaatay ganacsade Mareykan ah. Qareennada u doodaya Mr. Ehud Olmert ayaa sheegay inuu xukunkaas racfaan ka qaadanayo.
Sanadkii hore, maxkamada ayaa Olmert ku ridday xabsi 8 sano ah, hase ahaatee wuxuu ka qaatay racfaan. Ehud Olmert ayaa R/wasaare ka ahaa Israel intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2009.
Eedeymo la xiriiray musuqmaasuq ayaa ku qasbay inuu xilka isaga dego, waxaana halkaas ku dhamaatay noloshiisii siyaasadeed.
Xil ka tegitaanka Olmert ayaa soo xiray wadahadalkii Israel iyo Falastiin, iyadoo ay la doortay Benjamin Netanyahu oo ah nin xambaarsan afkaaro adadag oo ka dhan ah Falastiiniyiinta.
Mareeg Media