Natiijada Ciyaartii Nairobi Ku Dhexmartay Somalia Iyo Tanzania

Read Time:1 Minute, 48 Second

Nairobi, Mareeg.com: Ciyaar qeyb ka aheyd koobka bartamaha iyo bariga Afrika oo galabta ka dhacday garoonka Nyanyo National Stadium ee magaalada Nairobi, islamarkaana dhex martay xulalka Soomaaliya iyo Tanzania ayaa mar kale laga badiyey Soomaaliya, Iyadoo guusho raacday Tanzania.

Xulka dalka Soomaaliya ayaa fursado badan helay intii ay socotay ciyaarta qaybteedii hore, waxaana jiray digniino kaarka huruudda ah oo la siiyay ciyaaryahanno Soomaaliyeed oo kala ahaa: Maxamed Cadi Xaylow iyo Sidii Maxamed Cumar daqiiqadihii 33-aad iyo 57-aad halka xulka Tanzania kaarka huruudda ah la siiyay ciyaaryahan Saciid Xuseen Muradi.

Weerarka Soomaaliya ayaa u muuqday mid dhalin karay guul, balse taas ma dhicin, iyadoo goolhayaha Tanzania uu beeniyay dhowr fursadood oo xulka Soomaaliya ay isku day-day inay gool kaga dhaliso, waxaana la arki karayay isku dhex-yaac mararka qaarkood ka dhex jiray daafacyada Tanzania.

Qaybtii horre cayaara waxa ay ku dhammaatay 0 iyo 0, waxaana markii dib la isugu soo laabtay cayaarta macalinka xulka qaranka Soomaaliya, Maxamed Cabdulle Farayarre uu sameeyay is badal isagoona keenay cayaaryahanka kooxda LLPP Jeenyo Maxamed Meema.

Markii la isugu soo laabtay qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa weerarradii ugu horeeyay ee xulka Tanzania ay sameeyeen waxaa ugu suuro-gashay inay ku helaan goolkii badiska, kaasoo yimid daqiiqadii 57-aad, waxaana si qurux badan shabaqa Soomaaliya ugu hubsaday laacibka lagu magacaabo Chanongo.

Tababaraha xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa badalkii uu sameeyay waxaa soo galay ciyaarta laacibka lagu magacaabo Maxamuud Abdi-nuur Maxamed, kaasoo in badan qaybta weerarka Soomaaliya kusoo kordhiyay.

Garsooraha ciyaarta dhexdhexaadinayay ayaa Somalia ka diiday gool rigoore ahaa; kaddib qalad muuqda oo daafaca Tanzania uu ku galay laacibka Maxamud Cabdinuur daqiiqadii 76-aad, waxaana intaa kaddib tababbaraha Tanzania uu badal kusoo galiyay Muuse Shaah si uu u dhimo weerarka kaga imaanaya dhinaca xulka Soomaliya oo xiligaa aad u xoog badnaa.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa cayaarta waqtiga loogu talagalay ay ku dhammaatay 1 iyo 0 oo ay ku adkaatay kooxda Tanzania.

Waa guul daradii labaad oo Soomaaliya ka soo gaarta tanka xulalka Bariga iyo Bartamaha Afrika. Labada xul ayaa muujiyay cayaar aad u adag, waxaana kooxda Soomaaliya ay la cayaari doontaa cayaarta seddaxaad kooxda Zambia oo ay ku wada jiraan Group B.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %