Maxey ka wada hadleen Xasan Sheekh iyo Frank Lobionda? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxey ka wada hadleen Xasan Sheekh iyo Frank Lobionda?

Mareeg.com: Waxaa shalay Muqdisho soo gaaray xubin ka tirsan congress-ka Mareykanka, kaasoo lagu magacaabo Frank Lobionda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Frank Lobionda oo ka tirsan kongareska Mareykanka gaar ahaana gudiyada qaabilsan arimaha ciidamada iyo wardoonka Mareykanka.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Frank Lobioda ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Xasan Xaamud iyo qaar katirsan taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.

Kulankana ayaa xooga lagu saaray xaaladda amniga dalka Soomaaliya iyo taageerada dowlada Mareykanka ee ku aadan horumarinta hay’adaha amniga ee Soomaaliya,

Kulankan oo talooyin kala duwan la isku dhaafsaday ayaa madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu uga mahadceliayya dowlada Mareykanka taagerada ay siiso Soomaaliya isagoo muujiyay sida loogu bahaanyahay in la kordhiyo lana siiwado.

Sarkaalkan Mareykanka ah ayaa la sheegay inuu madaxda dowladda Soomaaliya wax ka weydiiyey sida ay shqaeeyaan ciidamada amaanka iyo xaaladda amaan ee caasimadda.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in u jeedada mudane Frank uu u yimid Soomaaliya ay tahay sidii uu u ogaan lahaa xaalada dhabta ah oo hadda ka jirta Soomaaliya gaar ahaan amaanka.

Agaasimaha ayaa intaa ku daray Mr Franka Lobionda oo ka tirsan Kongareska Mareykanka loo sharaxay xaaladda Soomaaliya iyadoo Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u sheegay in taageerada dhanka ciidamada oo dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya uu ugu mahadceliyay.

Dowladda Mareykanka ayaa dhinacyo badan oo ciidamadu ugu horeeyaan ka caawisa dowladda Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xassan Sheekh safarkiisii uu dhawaan ku tagey dalkaasina uu Mareykanku bixiyay balanqaadyo hor leh taasoo muujineysa xiriirka labada dhinac.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!