Maxey ka wada hadleen madaxweyne Xasan iyo madaxda 3 maamul goboleed? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxey ka wada hadleen madaxweyne Xasan iyo madaxda 3 maamul goboleed?

Mareeg.com: Shalay iyo maanta waxaa Muqdisho shir uga socday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynayaasha maamul goboleedayada Puntland, C/weli Gaas, Jubaland, Axmed Madoobe iyo Koonfur Galbeed, Shariif Xasan.

Haddaba, labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha ay ka mid yihiin:- In Dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyadu ay ku hadlaan hal cod oo aan lagu hadlin waxyaabo kala duwan.

Sidoo kale, waxyaabaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah in si wadajir ah DF iyo maamuladu ula dagaalamaan Alshabaab.

Waxaa sidoo kale, laga wada hadlay in la isku dhafo ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa maamulada, sida uu sheegay Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Daa’uud Aweys.

Daa’uud Aweys oo VOA weydiisay in waxyaabaha laga wada hadlay ay ka mid tahay in xilliga doorashada ee sanadka 2016 dib loo dhigo ayaa sheegay in qodobkaas aan marna lagu soo qaadin wadahadalka.

Wadahadalka madaxtooyada Soomaaliya iyo 3-da maamul goboleed ayaa la filayaa in laga soo saaro war ay ku mideysan yihiin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!