
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa dhigiisa Dalka Turkiga Recep Deyep Erdogan kula kulmay Magaalada Istanbul.
Kulanka labada Madaxweyne ayaa waxuu ka dhacay Hooyga Vahdettin ee Magaalada Istanbul, kadib markii uu Madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku tagay Dalka Turkiga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in kulankooda uu ahaa mid looga hadlayay xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood iyo sidii loo xoojin la haa.
Waxaa uu sheegay in ay isku raaceen in labada dhinac ay xooga wada saaraan sidii loo wanaajin la haa xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.
Booqashada Farmaajo ayaa ka dambeysay kadib markii uu ka soo duulay Dalka Italy halkaasi oo booqasho 3-maalmood uu ku joogay.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.