Maxey ka wada hadleen Duqa Muqdisho & MR.Adam Abdelmoula

Read Time:43 Second

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergayga gaar ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya gaar ahaan iskuduwaha dhinaca arimaha bini’aadanimada MR.Adam Abdelmoula.

Kulankani oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir ayaa looga hadlay hey’adaha QM ay dowlada hoose Xamar uga caawin laheyd horumarinta arimaha barakacayaasha, shaqa abuurka, waxbarashada, xoojinta taageerada dhinaca amniga iyo dib ud hiska Caasimada.

Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay ku xigeenka ergayga gaar ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya gaar ahaan iskuduwaha dhinaca arimaha bini’aadanimada MR.Adam Abdelmoula.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu ka warbixiyay wax yaabihii ay isla meel dhigeen madaxda QM u qaabilsan Soomaaliya.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %