London, Mareeg.com: Dawladda Federalka Somalia ayaa la sheegay iney shardi ku xirtay wadahadal ay lasoo wado maamulka Somaliland
Shardiga dowladda federaalka Soomaaliya ku xirtay sii wadidda wadahadalka ayaa ah in maamulka Somaliland ka tanaasulo sheegashada madax banaanida iyo ka wada xaajoodka arrintaas.
Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, maamulka Axmed Siilaanyo ayaa ogaaday in waraaq uu wasiiru dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Soomaaliya Maxamed Nuur Gacal uu u kala diray dawladaha Turkiga, Ingiriiska, Norway iyo Midawga Yurub uu ku sheegay inaanay dawladiisu diyaar u ahayn inay miis la soo fadhiisato Somaliland ilaa inta Somaliland ka laabanayso ama ka noqonayso qodobka madax banaanida Somaliland.
Sababta dowladda Federaalka Soomaaliya shardigaas u xirtay ayaa lagu sheegay in dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uusan ogoleyn in laga wada hadlo midnimada dalka, ayna lama taabtaan tahay midnimada Soomaaliya.
Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ku wargeliyey wasiirka arrimaha dibadda Britain u qaabilsan arrimaha Afrika Mark Simmond oo uu u sheegay inaanay wada hadaladaasi sii wadi karin, ilaa Somaliland siyaasiyiintoodu ka harayaan in ajandaha lagu daro ka hadalka madax banaanida ay doonayaan.
Waxaa Toddobaadkii labaad magaalada London ku sugan laba wasiir oo ka tirsan xukuumada madaxweyne Siilaanyo oo kala ah wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo ganacsiga iyo maalgashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, kuwaasi oo wada hadalo kula yeeshay magaalada London masuuliyiin ay ka mid yahiin wasiiradda arrimaha dibada ee dalka Ingiriiska, safiiradda dalalka Norway, Denmark, Maraykanka iyo Sweden ee dalkaas.
Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa jawaab ka bixiyey waraaqda la sheegay in dawladda Soomaaliya ku diiday inay wada hadalka bisha January loo ballansanaa ka soo qayb gasho.
Mr. Biixi waraaq u diray dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ku codsaday inay dalalkaasi soo fara geliyaan arrinta sida heshiisyadii lagu gaaray London, Dubai iyo Istanbul ay dhigayeen.
Wasiirka arrimaha debadda Somaliland ayaa ku hanjabay iney si buuxda wada hadalka uga bixi doonaan haddii aan arrimahan aysan soo faragelin dowladaha daneeya Soomaaliya.
Biixi wasiirka arrimaha dibada Somaliland wuxuu sidoo kale ka codsaday dawladda ingiriisku inay si dhab ah usoo dhex gasho arrinta dhex dhexaadinta Soomaaliya iyo maamulka Somalialnd, isla markaana ay u fidiso khubaro dhinaca sharciga qaabilsan si loo furdaamiyo arrintani khilaafka keenay.
Wuxuu sidoo kale Mr. Biixi ka codsaday dawladda ingiriiska inay London usoo wareejiso wada hadalada, wuxuuna qoraalkiisa kaga cawday dawladda Turkiga oo uu sheegay inay ka caga jiidaysay inay si dhab ah u dhex dhexaadiso Soomaaliya iyo maamuliisa Somaliland.
Wada hadalada labada dhinac ayaa loo balansana bishii September ee sannadkani, waxaana sida xukuumadda Siilaanyo laga soo xigtay ay wada hadaladaasi dib ugu dhaceen bishii October, haddana Bishii November, haddana Bishani December, iyadoo ugu danbayntiina wasiirka arrimaha dibaddu warbaahinta u sheegay in wada hadalka dib loogu dhigay bisha January, ma cadda in wada hadaladaasi ay dhici doonaan iyadoo murankani taaganyahay.
Shirkii ugu horreeyey ee looga hadlay arrimaha Soomaaliya ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu soo gebagebeeyey June 1, 2012 ayaa waxaa qodobkiisa ku qornaa In La Tixgelinayo madaxbanaanida, Sharafta iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
Maamulka Somaliland ayaa goob kasta ee lagu wada hadlayo geeya qodob la xiriira iney yihiin dal madax banana, waxeyna isku dayaan iney saxiix ka helaan Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Dowladda Soomaaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa labo jeer ooh ore wadahadal ku yeeshay dalka Turkiga, kii hore ayaa dhacay bishii April ee sanadkan 2013, halka kii labaad uu dhacay bishii July ee isla sanadkaan 2013.
Waxaa ilaa hadda qabsoomi la’ shir kale oo lagu ballamay intii uu socday shirkii July, iyadoo sababta lagu sheegayo muranka ka jira ajandaha wada hadalka.
Mareeg.com