Mareeg Media
Somalia

Maxay ka wada hadleen Safiirka Britain & Madaxweynaha Puntland?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Ben Fender OBE iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif.

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadceliyey Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender OBE booqashada uu ku yimi Puntland, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in miro dhalka kulankan uu wax ka tari doono geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Wuxuu ahaa kulan muddo badan qaatay oo dhinacyo kala duwan oo arrimaha Soomaaliya iyo dhinacyada ay Dowladda UK kaga taageerto Soomaaliya Guud ahaan iyo Gaar ahaan Puntlandba taabanayey. Waxaana rajeynayaa in miro dhalkiisana uu wax ka tari doono geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya dhinaca Amniga iyo Dhaqaalaha intaba, waana uga mahadcelinayaa kulankii quruxda badnaa ee maanta na dhexmaray” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi.

Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender OBE oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Deni ay ka wada hadleen sidii Doorashada Soomaaliya ugu dhici laheyd wakhtigeeda.

“Waxaan yeelanay wada hadal miro dhal ah sida Madaxweynuhu sheegay, wuxuuna ku saabsana Iskaashiga ka dhexeeya Puntland iyo UK, Xiriirkaasi oo ah mid qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya, sida Horumarka dhaqaalaha , Shaqo abuurka, Gargaarka Baniáadanimo, Iskaashiga dhanka Siyaasada iyo arrimo kale oo badan.

Sidoo kale waxaan wada hadalo miro dhal ah ka yeelanay , sida ay muhiim u yihiin Doorashooyin ku qabsoomada xiligooda sanadka danbe, iyo in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu heshiiyo hanaanka Doorashada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!