Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo James Swan? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo James Swan?

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa maanta oo Talaado ah xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. James Swan.

Qoraal kooban oo Ra’iisul wasaare ku xigeenku soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in uu xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, islamarkaana labada mas’uul kulan ka yeesheen Arrimaha Siyaasadeed ee dalka.

Mahdi Guuleed, wuxu sheegay in isaga iyo Amb. James Swan ay ka wada-hadleen Arrimaah Hortebinta u leh dalka gaar ahaanna xallinta muranka Doorashada 2021 taas oo ay ku muransan yihiin dowladda Federaalka iyo Saamileyda kale ee siyaadda waddanka.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. James Swan ayaa hooreysay kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, isagoo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More