Maxay ka wada hadleen Maedaxweyne Lafta-gareen iyo Safiirka Ingiriiska? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxay ka wada hadleen Maedaxweyne Lafta-gareen iyo Safiirka Ingiriiska?

Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin, doorashooyinka iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac gaar ahaan dhismaha ciidanka qaranka Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda u saaray dardar gelinta howlaha tababar ee UK ka waddo Koofur Galbeed iyo sidii loo labo jibaari lahaa shaqooyinkaas.

Madaxweyne Laftagareen ayaa dowladda UK ugu mahad celiyay taageerada Soomaaliya ay siiso gaar ahaan dadaalada dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Danjiraha cusub ee Boqortooyada UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa sheegtay in ay sii wadayaan tababarada iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka oo ay ka wadaan degaanada Koofur Galbeed.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka gaar ahaan doorashooyinka iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha hor taagan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.