Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Qoorqoor iyo RW hore Kheyre?

Read Time:44 Second

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland kulan gaar ah kula yeeshay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre.

Labada mas’uul oo uu kulankooda qaatay saacad badan ayaa iska xog wareystay xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka. Sidoo kale waxa ay si gaar ah diirada u saareen sidii xal waara looga gaari muranka ka taagan guddiyada doorashooyinka iyo hannaanka loo wajahayo.

Khayre oo madasha ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey madaxweyne Qoor Qoor dadaallada uu wado ee ku aadan xal ka gaarista arrimaha doorashooyinka dalka.

Qoor Qoor iyo Khayre ayaa Garoowe u tegay ka qeyb-galka shirkii madasha aragta wadaagga ee lagu soo gaba-gabeeyey gudaha magaaladaasi. Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah weli mid cakiran, waxaana meel fog kala joogo dowladda iyo mucaaradka oo isku hayo qabashada doorashada soo socota.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.