Maxamed Siyaad Barkhadle oo Loo Doortay Gudoomiyaha KMG ee Maamulka Hirshabelle. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maxamed Siyaad Barkhadle oo Loo Doortay Gudoomiyaha KMG ee Maamulka Hirshabelle.

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeele oo maanta yeeshay kulankoodii ugu horeyay ayaa u doortay guddoomiye ku meel gaar ah Maxamed Siyaad Barkhadle oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka.

 

Doorashada guddoomiyaha ayaa ku timid kadib markii uu diiday inuu shir guddoomiyo baarlamaanka qofka ugu da’da weyn oo dhashay 1948 laguna magacaabo Cabdi Xuseen Geedi kaasoo sheegay in uu u sharaxan yahay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka,

 

Sidaa awgeed ayaa loo doortay in uu shir guddoomiye Maxamed Siyaad Barqadle oo dhashay 1949kii. Baarlamaanka HIrshabeele ayaa lagu wadaa in uu doorto shir guddoonka 12ka bishan 15ka bishana la doorto madaxweynaha maamulka Hirshabeele.

 

73 xiildhiban oo ka mid ah 89 xildhibaan oo baarlamaanka Hirshabele ka kooban yahay ayaa la dhaariyay xalay waxaana dhaarinta goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha dowlada federalka Cabdraxman Xuseen Odowaa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!