Kabtan Maxamed Khalaf Shongole oo ku geeriyooday Muqdisho

Mareeg.com: Maxamed Khalaf Aadan oo ku magaca dheeraa Shongole, kana tirsanaa bahda Isboortiga Soomaaliya ayaa xalay ku geeriyooday Muqdisho.

Shongole

Shongole oo ahaa Kabtankii ugu horreeyey ee xulka qaranka Soomaaliya, ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyey ehelladiisa, wuxuuna u dhintay xanuun hayayey dhawaanahaan.

Maxamed Khalaf Shongole oo ahaa reer Jowhar ayaa ka mid ah Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS, wuxuuna ahaa gudoomiyaha guddiga Olombikada gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shongole oo ahaa nin waayeel, kuna biiray bahda Isboortiga sanadihii kontomeeyadii ayaa la filayaa in maanta lagu aaso Muqdisho.

Maxamed Khalaf waa aabaha dhalay Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf Shongole oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Alshabaab.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245